Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cadullaahi Deni ayaa caawa casha sharaf u sameeyey ganacsatada kasoo qayb gashay shirka maalgashiga Puntland ee maanta ka furmay casimadda Puntland ee Garoowe.
Casha sharafta oo loogu sameeyey qasriga Madaxtoyada dowaldda Puntland ee Garoowe ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya Mudane Veronique Lorenzo, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland, masuuliyiin ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya, Guddoomiyaha Runta Ganacsiga Puntland, Gudiga qaban-qaabada shirka Maalgashiga, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale,hoos ka daawo muuqaalka.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.