Madaxweyne Deni oo Colaad iyo Nabad mid udhaqaajin waayay PL

Madaxweyne Deni,waxuu ku dhawaaqay Wada xaajood in uu diyaar u yahay,hadana hawlihiisa,ayuu sii watay.

Shalay Ciidan xoojin ah,ayuu soo geliyay Magaalada,waxaa ka hor baxay imaatinkooda xog sheegaysa in ay weerarayaan kuwa Aaran-jaan,waana sababta keentay in jawiga Magaaladu kaco.

Islaan Ciise,waxuu ku yiri..”Anigu Magaalada Ciidan masoo gelin ee Nimanka soo geliyay haka saaraan”.

Wasiiro Dowladiisa ah,ayaa Shalay ku qabsaday talada oo soo istaagay,wada hadalka aan fursad siino,wuuna dhibsaday.

Warar baa sheegaya in uu Carro la dhacay oo Wasiiradii Shalay ku warceliyay uu raadinayo kuwii uu ku badali lahaa.

Haduu awood isticmaalayo,waa muquunin karaa Aaran-jaan,khasaare kadib,waxaana haboon in uu hada ku dhaqaaqo,hadiise uu wada xaajood aadayo,waxaa haboon in uu Wadanka dajiyo oo gorgortamo.

Wax walba isagay ku xiran yihiin oo Nabad iyo Colaad mid in uu qaato looga fadhiyaa.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading