Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xeer Madaxweyne ku dalacsiiyey G/Sare Caydiid Axmed Nuur Siciid u dalacsiiyey derajada S/Guuto, Isagoona sidoo kale u Magacaabay Taliye ku-igeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha oo tixgalinaya Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa ciidanimo, uu u dalacsiiyay G/Sare Caydiid Axmed Nuur Siciid u dalacsiiyey derajada S/Guuto.
G/Guuto Caydiid Axmed Nuur Siciid ayaa horay u ahaa Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Sanaag ee Somaliland, isagoona dhawaan ka soo goostay.

Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.