Madaxweyne Deni oo dhambaal tacsi ah u diray Jamhuuriyadda Jabuuti

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa dhambaal tacsi ah u diray Dowladda aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, kaddib geerida Wasiirkii Maalgaahiga ee Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Jabuuti Marxuum Cali Geelle Abubakar.

Halkaan Hoose Ka Akhriso War-saxaafadeedka Tacsida ah ee Madaxweynaha Puntland.

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay uga tacsiyaynaysaa Dowladda iyo shacabka Jabuuti geerida Alle ha u naxariistee Wasiirka Maalgashiga ee Madaxtooyada Jabuuti Cali Geelle Abubakar oo maanta ku geeriyooday dalkaasi.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland-ba waxa uu tacsi u dirayaa, eheladii asxaabtii, qaraabadii iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee Dowladda Jabuuti, gaar aan Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xukumadda dalkaasi ee uu ka baxay Marxuum Cali Geelle Abubakar, wuxuuna Eebbe uga baryey inuu Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, uuna deris uga dhigo Rasuulkeenna Maxamed SCW, samir iyo imaanna ka siiyo eheladii, asxaabtii iyo qaraabadii marxuumka.

DHAMMAAD


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading