Madaxweyne Deni oo gaaray magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goor-dhaweyd gaaray magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliyeed. Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale oo katirsan DFS ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Madaxweyne Deni ayaa uga qeybgalaya Muqdisho Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka oo maanta ka furmaya Teendhada Afisyoon, loogana hadlayo arrimo ay kamid yihiin Habraaca Doorashooyinka Golaha Shacabka BJFS iyo raadinta dhaqaalaha ku baxaya Doorashooyinka oo weli ku maqan Beesha Caalamka.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading