Madaxweyne Deni oo Garoowe ku hakaday, kuna sugaya wafuud

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo kasoo safray Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ayaa Garowe diyaarad ku yimi wuxuuna kismaanyo u safrayaa berri oo khamiis.

Madaxweyne Deni oo qorshuhu ahaa inuu ka dego maanta Magaalada Kismaayo, ayaa la sheegay in safarka galabta uu uga baaqday kismaanyo uu habeenimo ku beegmay iyo Garoonka oo aan lahayn layrka diyaaraduhu ku degaan habeenkii.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa Garoowe ku sugaya wafti ah Xildhibaano oo kasoo amba-baxaya Magaalada Muqdisho, kuwaas oo kamid noqonaya waftigiisa, kuwaas oo ka qeyb-galaya Caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Diyaarada keentay ayaa la ii sheegay in caawa garowe joogi doonta berrina ka qaadayso madaxwaynaha iyo waftigiisa.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading