Madaxweyne Deni oo hanbalyo udiray Kooxda Goldogob

Waxaan u hambalyeeynaya Kooxda Kubadda Cagta ee Degmada Galdogob, oo ku guuleystay tartankii Kubadda Cagtada ee degmooyinka Gobolka Mudug, dadaal iyo xirfwad wanaagsan ayeey soo bandhigeen waana mid boggaadin mudan.

Sidoo kale Waxaan horumar u rajeynayaa Kooxda Degmada Gaalkacyo oo iyana kaalinta labaad galay, Waa boggaadinayaa Masuuliyiinta Wasaarada, Xiriirka Ciyaaraha, Maamulka Gobolka Mudug, Kan Degmada Gaalkacyo, Saraakiisha Amniga , Warbaahinta tebinaysay Koobka iyo Shacabweynaha kala taageerayey Kooxaha degmooyinka.

Ciyaaruhu waxay qeyb weyn ka qaataan isdhexgalka Bulshada, nabadda iyo horumarka, Sidaasi darteed Dowladdu muhiimad gaar ah ayeey siisay Horumarinta Ciyaaraha , Garoomada cagaaran iyo dhiirigelinta dhallinyaradeenna.

Hambalyo Galdogob,


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading