Madaxweyne Deni oo hor istaagay mashaariic ay laheyd Puntland

Waxaa jirta Sideed Mashruuc oo Puntland laga fuliyo oo uu diiday Madaxweyne Deni in la saxiixo hadiiba ay soo marayaan Dowlada Fadaraalka.

Mashruucyadaas,waxaa ka mid ah oo laga xusi karaa…

1.Mashruuca sida joogtada ah loogu garabgali Waxbarashada Puntland ee ku kacaya 25-Milyan oo dolar Sanadkii.

2.Mashruuca sida joogtada ah loogu garabgalo Caafimaadka Puntland oo gaaraya 30-Milyan oo dolar Sanadkii.

3.Mashruuca horumarinta Dekedaha Somaliya oo Baanka Aduunku maalgelinayo lana rabay in PL lagu bilaabo.

Waxaa si gaar ah isoo jiitay Mashruuca taageerida Waxbarashada PL ee xasaasiga ah,kaasoo ah kabida Mushaaraadka Macallimiinta.

Wasiir Faarax Cabdiqaadir waxuu ku casumay Shirkii arinkaa lagu saxiixay Wasiirka Waxbarashada PL,balse Deni,ayaa hor istaagay.

Kadib,Faarax,waxuu ugu diray Warqadii Saxiixa ubaahnayd E-Mail Wasiirka Waxbarashada PL,waxaase markale diiday Deni in la saxiixo Warqadaas.

Mar Sadexaad Faarax waxuu utagey Culumo reer PL oo kasoo qaybgalay Shirkii Culumada,waana u ergooday,isagoo ka codsaday in ay Deni kasoo saxiixan Mashruuca Macallimiinta PL lagu kabayo.

“Aakhiradaydaan ubaqayaa ee Macallimiinta iyo Ardayda danyarta ah waxooda in ay ugu magac yeeshaan marabee Deni la hadla”Ayuu ku yiri Culumada Faarax.

Culumadii waxay ergo ahaan ugu tageen Deni oo hor dhigeen fariintii,sidii si la mid ah,ayuu iyagana uga soo diiday Saxiixa Warqada.

Sadex arimood,ayaa mudan in loo hakado…

1.Hab dhaqanka Faarax muujiyay oo mudan in loo hakado laguna karaameeyo,isla markaana aanba laga filayn masuul Somaliyed oo Maanta nool.

2.Fahad iyo Farmaajo banayntoodii Villa Somaliya waxa ugu yar oo laga faa’iday waa intan oo Xaafiiska Maanta lagu baryayo PL kaalaya qaata Mashruuciina,waxaa lagu xanibi jiray Shahaadooyinka Ardayda reer PL.

3.Madaxweyne Deni halkee noo wadaa,muxuuse noo hayaa oo aan Carro ahayn?

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading