Madaxweyne Deni oo Isimada Bari Qado Sharaf usameeyay

Garoowe: 25 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan Qado ah la yeeshay Wafdi Isimada dhaqanka Gobolka Bari ah oo safar ku jooga Garoowe, Kulanka waxaa ka qeybgalay Isimo, Cuqaal , Nabadoono iyo Waxgarad ka socda Gobolka Bari kuwaasi oo safar uga soo laabtay Degmada Buurtinle.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa la wadaagay Isimada, cuqaasha iyo Nabadoonada Gobolka Bari, warbixin ku saabsan xaaladda guud ee Puntland iyo dhameystirka hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland ee qof iyo cod oo hada maraya meel wanaagsan, Iyadoo ay inagu soo fool leeyihiin Doorashada Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyada, Sidaasi darteed ay muhim tahay in la isu wada diyaariyo oo bulshada dhinac kasta uu doorkiisa qaato.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading