Madaxweyne Deni oo iska diiday inuu la kulmo Maamulka Gobalka iyo Degmada Boosaaso

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa iska diiday inuu qaabilo Guddoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo iyo Duqa Degmada Boosaaso C/salaan Bashiir C/salaan.

Labada Masuul oo ah xubnaha ugu saameynta badan Masuuliyiinta Dowladda ee Gobalka Bari, ayaa horey looga war-gelin Safarka Madaxweyne Deni uu ku tagay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, iyagoona ku baraarugay Madaxweynaha oo galay Magaalada.

Masuuliyiinta ayaa la sheegay inay tageen Madaxtooyadda si ay ula kulmaan Madaxweyne Deni, iyadoona loo sheegay inuu iska diiday kulankooda, ayna ka war-sugaan waqtiga loo yeeri doono.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Puntland uu saluugsan yahay Maamulka Gobalka Bari iyo kan Degmada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, waxaana isa soo taraya Wararka tibaaxaya inuu Xil ka qaadis ku sameyn doono Guddoomiye Dhedo, sidoo kalena uu kala diri doono Golaha Degaanka Magaalada Boosaaso.

Wixii kasoo kordha Kala soco Idil News


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading