Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan isugu yeeray Wasaaraddaha qaabilasan wax soo saarka dakhliga Dowladda Puntland.

Kulanka ayaa ahaa mid ku aadan is xog wareysi dhanka Dhaqaalaha Puntland iyada oo caalamka uu soo food saaray dhaqaale xumo baahsan.

Shirka muddadi u socday ayaa siwayn looga dooday sidii la isaga kaashan lahaa kor u qaadidda dakhliga Wasaaraddaha qaabilasanna ay dedaal dheeri ah ku bixiyaan dakhliga si ay Dowladdu u gudato waajibaadkeeda shaqo ee dalka.

Ugu dambayn shirkan ayaa laysku raacay in Wasaaraddaha dhakhliga u qabilsan dowladda ay keenaan qorshe kor loogu qaadaayo dakhliga, gebagabada Kulanka ayaa lagu ballamay in ku kulan dambe la’iskugu yimaado.

Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.