Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay geerida Axmed Garaad Cowl

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee guurti Axmed Calisalaad Aaden Garaad Cawl oo ku geeriyoodey magaalada Ceelbuh ee Gobolka Sanaag.

Axmed Calisalaad Alle ha u naxariistee oo aad looga yaqaanay Gobolka Sanaag, waxa uu ka mid ahaa guurtida gobolka Sanaag, isagoo ku suntanaa ka shaqeynta nabadeynta iyo horumarinta bulshada gobolka.

Madaxweyne Deni waxaa uu mar kale u tacsiyaynayaa shacabka Puntland, gaar ahaan bulshada Gobolka Sanaag, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoysaskii uu ka geeriyoodey guurti Axmed Calisalaad Aaden Garaad Cawl, wuxuuna Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading