Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa kala diray Golihii Deegaanka Degmada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 11 ku kala diray Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.
Madaxweynaha Dowladda PuntlandMarkuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 123-aad, farqaddiisa 4-aad.
Markuu arkay: Xeerka Maamuulka Degmooyinka iyo Gobolada (Lr 7) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad farqaddiisa 5-aad Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.
Markuu tixgeliyey: Go’aanka Maxkamadda Sare ee ku saabsan kala diridda Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.
2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
DHAMMAAD
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.