Madaxweyne Deni oo kormeeray dhismaha Bangiga cusub ee Puntland (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kormeeray Dhismaha Cusub ee Bangiga dhexe ee Dowladda Puntland oo meel gebogebo ah maraya.

Madaxweynaha oo ay kormeerkiisa ku weheliyeen Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda, ayaa warbixin ka dhegaystay Madaxda Bangiga dhexe iyo khuburada dhismaha gacanta ku haysa.

Dhismaha cusub ee banigaga dhexe ee Dowladda Puntland dhammaan kharashka ku baxaya Dowladda ayaa bixisay, wuxuuna ka midyahay xarumaha hay’addaha dowladda ee lagu wado horumarinta.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading