Madaxweyne Deni oo korneeray dhismaha Garoonka Diyaaradaha Bosaso

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso oo horumarin lagu wado.

Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso waxaa ka socda balaarin lagu sameynayo Dhabaha ay Diyaaraduhu ku ordaan oo lagu daray 800-m iyo 300-m oo amniga Diyaaradaha loogu talagalay.

Sidoo kale waxaa ka socda Garoonka dhismayaasha..

1.Hangar-ka Diyaaradaha la dhigo.

2.Siliga Garoon-ka.

3.Wadada Garoonka oo Laami laga dhigayo.

4.Qorshaha Garoon-ka loogu diyaarinayo in uu habeenkii shaqeeyo oo duulimaad habeen ah billaabo.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading