Madaxweyne Deni oo ku adkaystay qabashada Doorasho Qof iyo Cod ah

Dhamaan fariimihii soo gaaray ee ay ugu danbaysay tii BC ee haa in uu wada xaajood wax ku dhameeyo,waa iska dhaga tiray.

Gudi Ganacsato iyo Culumo ah,ayaa la filayaa in ay Kenya ka yimaadaan,kuwaasoo iyaguna wada fariin wada hadal.

Dhaqdhaqaaqii koobnaa ee uu sameeyay Maalmihii lasoo dhaafay Madaxweyne Deni waxuu iska ahaa marin habaabin iyo maaweelo.

Qorshihiisii Doorasho Qof iyo Cod ah,ayuu aadayaa.

Xeerarkii Doorashada,waxaa la ansixinayaa 3-berri kadib,isla markaana 17-ka Xildhibaan ee Sool doorashadooda xal bay ka gaarayaan isaga iyo Karaash.

Qorshaha ay Dowladu udajisatay qabashada Doorashada,waa…

1.Garowe in la go’doomiyo,Aadna loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara,balse lagu diriro.

2.Bosaso baqdinta ay ka qabto Dowladu in ay wax ka dhici karaan aad bay uhoosaysaa.

3.Halka 35-ta Degmo ee kale aysan wax walwal ah ku hayn ku qabashadooda Doorashada.

Dhanka Mucaaradku,waa diyaar garoobayaan,waxayna isku dayayaan in ay Garowe ku qabtaan Doorasho Madaxweyne iyo ku xigeen,isla markaana magacaabaan Gudi khilaafaad oo soo xula Xildhibaanada.

Labada Bilood ee soo socota PL waxay mari doontaa Imtixaan adag.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading