Madaxweyne Deni oo ku wajahan Magaalada Dhahar

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Khamiis ah booqanaya Magaalada Dhahar ee xarunta Gobalka Hay-land, halkaasi oo uu ka dhagax-dhigi doono mashaariic cusub.

Madxaweyne Deni ayaa markii uu musharraxa ahaa booqday Degmada Dhahar, isagoo ballan-qaadyo kala duwan u sameeyay, haddii uu ku soo baxo doorashada madaxtinimada Puntland.

Haddana, sagaal bilood kadib markii la doortay madaxweynaha, ayuu maanta booqanaya degmadaasi Dhahar, iyadoo ay horyaallan in uu wax ka qabto ballan-qaadyadiisi uu bulshada Dhahar u sameeyay xilligii ol’olaha doorashada Puntland.

Qaban-qaabada soo dhaweynta madaxweynaha ayaa hadda ka socota magaalada Dhahar, waxaana mas’uuliyiinta degmada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ay u sii diyaar-garobayaan wefdiga madaxweynaha oo saacadaha soo socda halkaasi tegi doono.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading