Madaxweyne Deni oo kulamo ka wada Nairobi (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay Nairobi Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Mudane Mohamed Ali Guyo.

Madaxweyne Deni iyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Mohamed Ali Guyo ayaa kulankooda uga wadahadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, wadashaqaynta IGAD iyo Puntland, mashaariicda horumarineed ee IGAD ka taageerto Puntland, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland ayaa Nairobi kula kulmay Safiirka Dowladda France u qaabilsan wadamada Soomaaliya iyo Kenya
Ambassador Aline Kuster-menager.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Qunsulka Safaarada France u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Emmanuel Dagron-Halim iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland, waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, Siyaasadda, Amniga iyo mashaariicda horumarin ee Puntland ka socda.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading