Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Baarlamaanka cusub

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan Qado ah oo soo dhoweyn iyo is xogwareysi ah la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland iyo Guddoonka cusub ee ay shalayto doorteen.

Madaxweynaha u hambalyeeyay Baarlamaanka iyo Guddoonkooda, wuxuuna u rajeeyay in si wanaagsan ay u gutaan waajibaadka hor yaalla oo ay ugu horeyso Diyaarinta iyo qabashada Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ee loo madlanyahay 08- January 2024.

DHAMMAAD


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading