Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Ganacsatada

Boosaaso: 12 March 2025 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Ganacsatada Puntland, Kulanka waxaa ku weheliyay Madaxweynaha, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Goleyaasha Dowladda , Rugta Ganacsiga, Maamulka Gobolka Bari, Kan degmada Boosaaso, Saraakiisha Amniga iyo Ganacsato.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Ganacsatada warbixin ku saabsan halka uu marayo Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland iyadoo ujeedku yahay in Argagixisada laga sifeeyo Puntland .

“Ujeedku waa in Argagixisada laga sifeeyo Buuraha Calmiskaad iyo Calmadow, Argagixisadii dadka buuraha kasoo handadi jiray wa u jedaan Ciidankeena buuraha ugu dhacay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

“Muhiimada Kulanku waxay aheyd Maanta wixii ka danbeeya dhegdheer in ay dhimatay in aan isu sheegno, Cabsi danbe jirin, lacag danbe aan la bixin, qofna uusan isu soo kiin humbaaleyn karin!” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey bulshada Puntland isku duubnida iyo garab istaaga ay muujiyeen intii hawlhalka socday, isagoo xusay in ganacsatadu kaalintooda qaataan oo guulaha la gaaray isbedelkoodu uu ka muuqdo magaalooyinka, horumarka, ganacsiga iyo bilicda dalka .

– DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading