Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Haweenka Gobolka Mudug

Gaalkacyo, 11 Agoosto 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Said Cabdullahi Deni, oo ay weheliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Xubno tirsan Golaha Xukuumadda ayaa caawa qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo kulan kula qaatay haweenka Gobolka Mudug. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka haweenka ee nabadda iyo horumarka Puntland.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in haweenku laf-dhabar u yihiin nabadda iyo horumarka Puntland, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan kaqaybgalka arrimaha bulshada, gaar ahaan siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Said Cabdullahi Deni, wuxuu Haweenka Gobolka Mudug ku booriyay in ay ka qeyb qaataan Wax-soo-saarka Beeraha, Dhaqashada Xoolaha, Kahortaga Tahriibka, Illaalinta Deegaanka iyo dhiirigelinta Ganacsiga yaryar ee haweenka.

Haweenka Gobolka Mudug iyo Guud ahaan Puntland ayaa Dowladdu siisay fursad siyaasadeed oo furan, Markii la hirgeliyay Doorashooyinka qof iyo cod ee Goleyaasha deegaanka oo ay ku heleen metelaad ka badan intii hore , waxayna Madaxweynaha iyo Dowladda uga mahadceliyeen fursada iyo ahmiyada lasiiyey si ay u xoojiyaan doorkooda muhimka ah.

– DHAMMAAD –

XAFIISKA WARFAAFINTA
MADAXTOOYADDA DOWLADDA PUNTLAND


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading