Madaxweyne Deni oo kulankii ugu horeeyay la qaatay saraakiisha Ciidamada

Madaxweynaha cusub ee Puntland oo uu kulankan ku wehelinayay Madaxweyne ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan ayaa isbarasho kadib waxaa ay kala hadleen taliyaasha ciidamada inay sugaan ammaanka isla  markaana kala shaqeeyaan maamulka cusub sidii loo sugi lahaa amniga iyo kala dambeynta.

Madaxweyne Deni ayaa ku ammaanay Saraakiisha Ciidamada sidii ay adkeyeen ammaanka Garowe xilligii doorashadda.

Taliyaasha ciidamada Puntland ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland xaalada ciidamada iyagoo sheegay in ay jiraan ciidamo aan mushaar qaadan bilooyin faro badan.

Waa markii ugu horeysay ee Madaxweynaha cusub ee Puntland uu kulan gaar ah la yeesho saraakiisha ciidamada maamulka Puntland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading