Boosaaso : 13 March 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa caawa kulan la qaatay dhallinyarada Gobolka Bari, Dhallinyarada ayaa Madaxweynaha iyo Dowladdaba u muujiyey siday u garab taaganyihiin Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland (Hillaac).
Madaxweynaha ayaa caawa kulanka Dhallinyarada uga dhawaaqay in Garoonka Kubadda Cagta Boosaaso oo dhismihiisu dhammaadyahay, caawa laga billaabo magaciisu noqonayo Garoonka Shuhaadada, iyadoo lagu maamusayo Ciidankii ku shahiiday hawlgalka ciribtirka Argagixisada ee (Hillaac).
Kulanka waxa Madaxweynaha Kala qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Baari Shire, Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo Dhallinyarada Gobolka Bari.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.