Madaxweyne Deni oo la kulmay Ganacsatada iyo Nabadoonada G.Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo kulan kula qaatay Nabadoonada iyo Ganacsatada Gobolka Mudug.

Nabadoonada iyo Ganacsatada Gobolka Mudug ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey xaaladda guud ee Gobolka Mudug, waxayna uga mahadceliyeen Madaxweynaha isbedelka ay Dowladdu ka dhabeysay ee ku socda Amniga, Ciidamada iyo Dhaqaalaha.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa ku bogaadiyey Nabadoonada iyo Ganacsatada sida ay uga qeyb qaataan Amniga, dib-u-heshiisiinta, dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarineed ee Gobolka ka socda.

Kulanka waxaa Ka qeybgalay Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, La taliyeyaal Madaxweyne, Maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading