Madaxweyne Deni oo la kulmay Gudiga Doorashooyinka PL Ee PEC

Garoowe: 27 May 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC).

Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta Dimuqraadiyadda iyo qabashada Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee Degmooyinka harsan, waxaa Kulanka ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxa iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading