Madaxweyne Deni oo lagu soo dhaweeyay Degmada Dabgoroyo (Daawo)

DANGOROYO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta ku wajahan Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar, ayaa lagu soo dhaweeyay Goor-dhaweyd Degmada Dangoroyo ee Gobalka Nugaal.

Soo dhaweynta Madaxweyne Deni ayaa waxaa ka qeyb-galay Maamulka, Waxgaradka iyo Shacabka Degmada Dangoroyo, isagoona uga mahad-celiyay Madaxweynuhu soo dhaweynta balaaran ee ay u sameeyeen.

Madaxweyne Deni iyo Wafdigiisa oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Saraakiil Ciidan, ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda tagaan Magaalada Qardho, Iyagoona kusii xakan doona Degaanada u dhexeeyay Dangoroyo iyo Qardho, kuwaas oo Shacab fara badani u soo bexeen soo dhaweyntiisa.

Daawo.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading