Madaxweyne Deni Oo maalinkii 17-aad dalka ka maqan

Maalinkii 17-aad,ayuu Madaxweyne Deni ka maqan yahay dalka.

Taageerayaashiisa iyo shaqaalaha Madaxtooyada,ayaa ilaa shalay faafinayay war sheegaya in uu maanta oo Axad ah kasoo degi doono Bosaso.

Madaxweyne Deni qaliin looga sameeyay Xangulaha ku galay,ayuu ku galay dalka Kuwayd maalmo ka hor.

Horay waxuu balan ugu lahaa dalka Jarmalka,balse dib,ayaa loo dhigay oo waxaa laga doorbiday Kuwayd oo sheegtay in boqolkiiba Lixdan ay ku guulaysan karaan Qaliinka.

Halka Dhakhaatiirta Jarmalku sheegeen in uu noqon doono Qaliinki Konton-Konton ah.

Madaxweynuhu waxuu la tacaalayaa xanuuno isbiirsaday oo ka haysta Dhabarka,Dhiigkar iyo neefsashada.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading