Madaxweyne Deni oo maanta ka degaya magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu maanta ka dego magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweyne Deni ayaa si weyn uga socota, iyadoona sidoo kale la adkeeyay Amniga magaalada oo ay ka socdaan howlgallo.

Siciid Deni ayaa la filayaa inuu xariga ka jaro isla maanta garoonka kubadda cagta Cawaale ee magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu dhisay si isku tashi ah, isagoona sidoo kale kulamo la qaadanaya Maamulka, Hay’adaha Amniga, Waxgaradka, iyo Isimada Gobalka Mudug.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading