Madaxweyne Deni oo magacaabay Agaasimayaal

Garoowe: 26 October 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 78 ee 26-ka Oktoober 2022, kuna saabsan magacaabid Agaasimeyaal Guud.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda iyo waayo-aragnimdooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cabdiqani Yuusuf Daahir loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka Dowladda Puntland.
  2. Waxaa Cabdirisaaq Cali Cartan loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.
  3. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading