MADAXWEYNE DENI OO MAGACAABAY GUDDIGA AASKA QARAN EE RA’IISAL WASAARIHII HORE XASAN ABSHIR FAARAX IYO MADAXWEYNIHII HORE EE PUNTLAND MAXAMED CABDI XAASHI.
Dhuusomareeb: 12 Luulyo 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Guddi u magacaabay Aas Qaran oo Garoowe loogu sameynayo Alle ha u naxariistee Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.
Guddiga uu Madaxweynuhu magacaabay ayaa kala ah:-
- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Shiikh Xaamud (Guddoomiye)
- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde (Guddoomiye Ku-xigeen)
- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Osmaan Lugatoor (Xubin)
- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xasan (xubin)
- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jaamac Faarax Xasan (xubin)
- Taliyaha Ciidamada Alsuubta Gen Cali Nuur (xubin)
- Taliyaha Ciidamada Booliska Gen. Cabdiyare Xasan Xuseen (xubin)
- Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cawil Axmed Maxamed (xubin)
- Duqa Caasimadda Garoowe Axmed Barre (xubin)
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.