Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudiga khilaafaadka Ee soo xulida Xildhibaanada

Garoowe: 12 December 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 67 ee 12-da December 2023 kuna saabsan Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland (Vetting Commitee).

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 7-AAD, 60-AAD iyo 61-AAD.

Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr.124 ee December 4, 2004, Wareegto November 15,2008, Xeer Madaxweyne Lr. 159 December, 03 2013, iyo Xeer Madaxweyne Lr 189 December 03, 2018 kuwaas oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, dhammaantood lagu magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland (Vetting Commitee).

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la magacaabo Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Punltand (Vetting Committee)

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa loo magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland xubnaha hoos ku xusan oo kala ah: –

1. Isxaaq Axmed Xasan (Guddoomiye )
2. Siciid Xirsi Bulxan (Xubin)
3. Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley) (Xubin )
4. Cabdirashiid Saleebaan Geelle (Xubin )
5. Faarax Cabdi Dhalac (Xubin)
6. Nabadoon. Maxamuud Maxamed Axmed (Xubin)
7. Axmed Cabdi Cali (Xubin)
8. Yuusuf Suudi Cabdi (Xoghayn)

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading