Madaxweyne Deni oo magacaabay gudoomiyaha maxkamada Gobolka Mudug

Madxaweynaha Puntland oo Wax Ka bedel Ku Sameeyey Garsoorka Gobolka Mudug.

Gaalkacyo, May 25, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kusoo saaray Xeer Madaxweyne Lr ,26, May, 25, 2019 bedelid ku meel gaar ah, rukhso garsoorayaasha maxkamadda derejada 1-aad ee gobolka Mudug, tan racfaanka iyo xeer ilaalinta gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Tala soo jeedinta guddiga 
sare ee garsoorka Dowladda 
Puntland

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Maxamed Maxamuud Jamaac oo ahaa garsoore maxkamadda derejada 1-aad ee Xarfo si kumeel gaar ah loogu bedeley Guddoomiyaha Maxakamadda derejada 1-aad ee Gaalkacyo.

Waxaa la rukhseeyey garsoorayaasha maxkamadda derejada 1-aad ee gobolka Mudug, tan racfaanka iyo xeer ilaalinta gobolka Mudug.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading