Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 75 ee 26-ka Oktoober 2022 kuna saabsan Magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland
Markuu arkey: Qodobka 80-aad farqadda 18-aad, ee Dastuurka Dowladda Puntland, kuna saabsan Awoodaha iyo Masuuliyadda Madaxweynaha, ee magacaabida Garsoorayaasha Madaxkamadda Sare.
Markuu arkey: Qodobka 90-aad farqadaha 1 iyo 2 ee Dastuurka Dowladda Puntland,
kuna saabsan xubnaha Maxkamadda Sare.
Markuu arkey: Qodobka 91-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland, kuna saabsan shuruudaha lagu noqon karo Garsoore Maxkamadda Sare.
Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland
Waxuu xeeriyey
Qodobka 1-aad
Waxaa Mudanayaasha hoos ku xussan loo magacaabey Garsoorayal Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland, mudda xileed 5 sana ah, sida uu qeexayo qod. 90-aad farqadda 3, ee Dastuurka Dowladda Puntland.
- Xassan Yuusuf Nuur Guddoomiye
- Axmed Sheikh Cumar Xassan Guddoomiye Ku-xigeen.
- Saciid Axmed Faarax Garsoore.
- Maxamuud Cawad Cumar Garsoore.
- Saciid Maxamuud Maxamed Garsoore.
- Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi Garsoore Kayd ah .
- Aadan Axmed Moxamed Garsoore Kayd ah
Qodobka 2-aad
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
DHAMMAAD
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.