Madaxweyne Deni oo magacaabay Taliyaha qeybta booliska Gobalka Sool.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool  G/Sare. Cismaan Yuusuf Muuse, kaddib wareegto kazoo baxday xafiiskiisa oo ay baahisay goor-dhaweyd Madaxtooyaddu.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in magacaabista  G/Sare. Cismaan Yuusuf Muuse, ay ku timid markuu arkay baahida loo qabo dardargelinta howlaha Amni ee Gobolka Sool iyo talo soo jeedin uga timid Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Halkaan Hoose ka akhriso wareegtada magacaabista Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Sool.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.05 January 8, 2020 ku magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay : Baahida loo qabo dardargelinta howlaha Amni ee Gobolka Sool.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waaya-aragnimadiisa Ciidanimo.

Markuu Tixgeliyey: Talo soojeedinta Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/Sare. Cismaan Yuusuf Muuse loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading