Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa Taliye qeybeedyo cusub ugu magacaabay Gobalka Karkaar iyo Sanaag.
Halkaan Hoose ka Akhriso Wareegtadii Madaxweyne Deni.
Madaxweynaha Dowladda Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr. 05, ku magacaabay Taliye Qaybeedyadda Gobollada Sanaag iyo Karkaar.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad
Markuu arkay: Talo soo jeedinta Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dar-dargelinta hawlaha Amniga ee gobolada Sanaag iyo Karkaar
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa G/sare Cabdikariin Maxamed Cabdulle loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sanaag.
- Waxaa G/sare Faarax Nuur Maxamed loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Karkaar.
Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
DHAMMAAD
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.