Madaxweyne Deni oo markii ugu horaysay la kulmay Guddiga diyaarinta Wada xaajoodka arrimaha Federaalaynta

Garowe: 19 January 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulankii ugu horeeyay ee rasmi ah la yeeshay Guddiga diyaarinta Wada xaajoodka arrimaha Federaalaynta dalka, oo uu Madaxweynuhu magacaabay 14-kii January 2023.

Madaxweynaha ayaa Guddiga uga warbixiyey marxaladaha Dowlad dhiska Soomaaliya laga soo maray iyo Shirarkii ugu danbeeyay ee Puntland ka qeybgashay ee ay isugu yimaadeen Madaxda Soomaaliyeed heerarkooda kala duwan, isagoo la wadaagay Guddiga faahfaahinta qodobadda bud-dhiga u ah Arrimaha Hadda taagan.

Kulanku intuu socday Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Guddiga in Alle u fududeeyo masuuliyadda culus ee hortaalla, Guddiga diyaarinta wada xaajoodka Federaalaynta Dalka ayaa ka kooban Goleyaasha Dowladda iyo Khuburo ay ku jiraan siyaasiyiin hore xilal ugasoo qabtay Puntland oo xog ogaal u ah doodaha socda.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading