Garoowe: 01 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan martiqaad iyo is xogwareysi ah Kula qaatay Qasriga Madaxtooyada, Isimada dhaqanka Gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiilada DPL, Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada DPL, Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.