MADAXWEYNE DENI OO QAABILAY WAKIILKA UNHCR EE SOOMAALIYA.

Garoowe: 27 May 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobey ee arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ee Soomaaliya, Charles Mballa iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta wadashaqeynta Dowladda Puntland iyo Hay’adda UNHCR iyo sidii xal waara looga gaari lahaa Qaxootiga , Barakacayaasha iyo magangalya doonka.

Waxaa Kulanka kala qeybgalay Madaxweynaha, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading