Boosaaso: 24, Janaayo, 2023:
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Boosaaso ku qaabilay wefti balaaran oo uu hogaaminayo CEO-ga iyo Agaasimaha Maamulka DP-WORLD ee Bariga Dhexe iyo Africa Suhail Al-Banna.



Ujeeddada kulanka ayaa ahayd dhaqaajinta balaarinta shaqo ee Dekedda magaalada Boosaaso. Waxaa qayb ka ahaa kulanka Wasaaradda Dekadaha iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.