Madaxweyne Deni oo qado-sharaf u sameeyay carruur Agoon ah (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Jimce ah Qasriga Madaxtooyada kulan Qado sharaf ah ugu sameeyay Caruurta Agoonta ah ee ku jirta xarunta agoomaha ee Garoowe.

Munaasabadda waxay isugu jirtay booqasho Caruurta loogu sameeyay Madaxtooyada iyagoo qeyb qeyb u booqday dhismeyaasha iyo xafiisyada Madaxtooyadu ka koobantahay, intaasi kadib waxay kulan la qaateen Madaxweynaha Dowladda Puntland oo xaladaada ka xogwareystay.

Maamulka, macalimiinta xarunta Agoomaha iyo Caruurta Agoonta ahba waxay ka mahadceliyeen Qado Sharafta, Kulanka iyo in marwalbo uu xaaladooda si hoose ula socdo Madaxweynaha Dowladda Puntland, waana markii labaad ee uu kulan kula qaadanayo Madaxtooyada.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading