Madaxweyne Deni oo safar aan la shaacin ugu amba-baxay Dalka Itoobiya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa safar aan la shaacin ugu amba-baxay Dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta, xilli la filayay inuu u socdaalo Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni ayaa ku hormaraya Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula yeelanayo Madaxda Dalka Itoobiya iyo Shirkaddo Ganacsi, kuwaas oo ay ka wada-hadlayaan arrimo ay kamid yihiin Xoojinta Xiriirka iyo Wada-shaqeynta kala dhexeysa Puntland.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa u sii gudbaya Dalka Imaaraadka Carabta, isagoona kula kulmaya Hoggaanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Shirkaddo Ganacsi oo ay kamid tahay Shirkadda DP World ee gacanta ku heysa Dekedda Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo Masuuliyiinta DP World ayaa ka wada-hadlaya Dardar-gelinta Mashruuca dhismaha Dekedda Magaalada Boosaaso, kaas oo la filayo in Shirkaddu ay bilowdo bisha soo socota, sida uu sheegay Madaxweyne Dr. Siciid C/llaahi Deni.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading