Madaxweyne Deni oo Safarkiisii ugu horeeyay Dalka Dibediisa ah u baxaya Dhowaan.

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadda in Maalmaha soo socda uu socdaalkiisii ugu horeeyay ku taggo Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland.

Socdaalkan oo ah kii ugu horeeyay ee Dr. Siciid C/llaahi Deni uu ugu baxayo Degaanada Puntland tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Dowladda Puntland, ayaa ku qotamo u kuurgalida Xaalada Magaalada Boosaaso iyo dardar-gelinta Howlgalada lagu xaqiijinayo amniga Magaalada eek a socda Boosaaso.

Madaxweyne Deni ayaa la filayaa in uu maalmo kooban ku sugnaado Magaalada Boosaaso, Isagoona kulamo la qaadan doona Maamulka Gobalka, Kan degmada, Laamaha ammaanka, Dhaqanka, Ganacsatada iyo Guud ahaan Shacabka Magaalada Boosaaso.

Waxaa la filaya in uu dhamaantood kala hadlo sidii looga wada qeyb-qaadan lahaa Xaqiijinta amniga Magaalada Boosaaso iyo in hal dhinac laga wada noqdo Argagixisada iyo kooxaha kale ee ka shaqeynayo amni darada Boosaaso.

Madaxweyne Deni ayaa la filayaa in uu Magaalada Boosaaso uga sii gudbo Magaalada Abu Dhabi ee Dalka Imaaraadka carabta, halkaas oo uu u tagayo arrimo la xariira Dilkii loo geystay Madaxii Shirkadda P&O port ee maamusha Dekedda Magaalada Boosaaso iyo dardar-gelinta dhismaha Dekedda.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Deni uu Dalka Imaaraadka carabta kula kulmayo Masuuliyiinta Shirkadda DP World, kuwaas oo uu kala hadlayo sidii loo hir-gelin lahaa Qodabadii ay ku heshiiyeen Dowladda Puntland iyo Shirkadda, kuwaas oo ku qotamay dhismaha Dekedda.

Si kastaba ha ahaatee, Safarka Madaxweyne Deni la filayo in uu ku taggo Imaaraadka carabta ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan lagu dilay Magaalada Boosaaso Paul Anthony Formosa oo ahaa Maareyihii shirkadda P&O ee Dekada, taas oo uu Madaxweynuhu horey u amray in Baaritaano lagu sameeyo.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading