Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa maanta soo xiray Shirweynaha Haweenka Puntland ee Doorashooyinka Golayaasha Degmooyinka Puntland, oo muddo Saddex Cisho ah ka socday Garowe.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay Shirka waxaana uu muujiyay muhiimada uu u leeyahay Haweenka Puntland in ay ka arrinsadaan doorkooda ku aadan Dimuqraadiyadda, wuxuu Madaxweynuhu la wadaagay Bulshada in tallaabada awooda loogu dhoweynayo Shacabka dadka ugu badan ee ay fursada u tahay ay yihiin Haweenka iyo Dhallinyarada, sidaasi darteed loo baahanyahay in ay ka faa’ideystaan fursadan.

Shirka,ayaa intuu socday looga hadlay doorka Haweenka ee Siyaasadda iyo Fursadaha siyaasadeed ee furan ee ay ku heliyaan Doorashooyinka qof iyo cod ee Goleyaasha deegaanka Puntland, taasi oo fursad u siin doonta in la doorto ama ay wax doortaan.

Waxaa ka qeybgalay Munaasabadda Wasaaradda Haweenka oo soo diyaarisay, La-taliyaha Arrimaha Haweenka ee Madaxweynaha, Guddoomiyeyaasha Haweenka ee 9-ka Gobol ee Puntland, Guddiga dardargelinta Doorashooyinka Puntland, Maamulka Gobolka iyo marti sharaf ka socda qeybaha kala duwan ee Bulshada.



DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.