Madaxweyne Deni oo Taliye cusub u magacaabay Booliska Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 32 ee 1-da November 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga.

Markuu la tashtay: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Guuto Maxamed Cali Xaashi loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay

DHAMMAAD

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading