Madaxweyne Deni oo u hambalyeeyey Xildhibaan Axmed Xuseen

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca shacabka iyo Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxa uu hambalyo u dirayaa Xildhibaan Axmed Xuseen oo ay dib u doorteen shacabka dalka Canada mar labaad, waxaa uu hadda sidoo kale yahay Wasiirka Socdaalka iyo Arrimaha Qoxootiga dalkaasi.

Madaxweyne Deni ayaa xusay in Xildhibaan Axmed Xuseen uu yahay masuul Soomaaliyeed oo huwan magaca, sharafta iyo milgaha ummadda Soomaaliyeed, Waxa uu tilmaamay in garab muuqda uu siiyey dad badan oo African ah mudadii uu xilka hayey, Wasiirka ayaa xubin firfircoon ka ah xisbiga Liberal-ee dalkaasi. Madaxweynaha ayaa sheegay in Axmed Xuseen uu yahay shaqsi wanaagsan oo ka adag shaqadiisa.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey xildhibaanka, Ahna Wasiirka Socdaalka iyo Arrimaha Qaxootiga Dalka Canada Axmed Xuseen inuu u fududeeyo shaqada muhiim ka ah ee uu u hayo shacabka dalka Canada, Isla markaana waxa uu Rabbi “SWC” uga baryey inuu u sakhiro muraadkiisa siyaasadeed, kan shaqo iyo mid shakhsiyadeedba.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading