Madaxweyne Deni oo u tacsiyeeyay Wasiirka Kalluumeysiga Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya Magaciisa iyo kan Dowladda Puntland waxa uu uga tacsiyaynayaa Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga & Kheyraadka Badda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash geerida ku timi xaaskiisa Marxuumad Rabiico Cabdi Aadan oo maanta ku geeriyootey Garoowe.

Madaxweynaha Puntland waxa uu Alle uga baryey Marxuumad Rabiico Cabdi Aadan oo ka tagtay 6 caruura inuu dembigeeda dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo Imaanna ka siiyo, Wasiirka, waalidiinteeda ciyaalkeeda, qoyskeedii, eheladeedii iyo asxaabteediiba.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading