Madaxweyne Deni oo xaqiijiyay in aan Doorasho lagu galayn 66-danbe oo Odoyaal soo xulaan.

Khudbad ay ka muuqato Qiyam iyo Qiimo Dowladnimo,ayuu ka jeediyay Madaxweyne Deni xil ukala wareejintii Taliskii hore iyo midka cusub ee Ciidamada Puntland.

Si weyn,ayuu u amaanay oo udul istaagay Qiimaha Ciidamada PL ugu fadhiyaan Dalka iyo Dadka.

MW Deni,wuxuu toos ugu adkaystay in Dalku Aadayo Doorasho Qof iyo Cod ah.

Ciidamada amaanka,waxuu ka codsaday in ay hirgaliyaan Doorashadaas oo iyagu ay yihiin kuwa lagu hurdo.

Sidoo kale Ciidamada,waxuu ku tartarsiiyay in ay difaacaan saraynta Sharciga,isagoo sheegay in PL ka gudubtay heer looga baqo gadaal unoqosho.

Khudbadiisu,waxay iskugu jirtay digniin,hanjabaad,guubaabin,Hogo tusaalayn iyo Dowladnimo.

Ilaa iyo hada Mucaaradka Kursiga ku haysta mahayaan Nin udhigma ama kusoo dhawaan kara oo Bulshadu uhakato.

Jibril Qoobey.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading