Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray Mashaariic laga hirgaliyay Goldogob (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta xariga ka jaray Wado cusub oo laga hirgeliyay degmada Galdogob.

Wadadan cusub oo laami ah dhererkeeduna yahay 1.6 KM, Waxay halbowle muhim ah u noqonaysaa Isu socodka Bulshada degmada Galdogob.

https://youtu.be/atO6nGW-LF4

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalka Masuuliyiinta Dowladda oo kaashabaya Hay’addaha USAID, ay ku bixiyeen in dhismaha wadadan sidii loogu talagalay u hirgalo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa markii uu wadada xariga ka jaray ku dhex lugeeyay magaaladda isagoo wakhti la qaatay bulshada qeybaheeda kala duwan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading