Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa saaka xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Bangiga Dowladda Puntland.
Bangiga waxaa dhistay Dowladda Puntland iyadoo uu hore u dhagax dhigay Madaxweyne Deni 3-dii March 2020, waxaana lagu fuliyey dhismaha xaruntan kharashaadka lagu helay beekhaaminta dakhliga Dowladda.
Dhismaha xarumaha Dowladdu waxay qeyb ka tahay tayeynta iyo horumarinta adeegyada loo hayo Shacabweynaha Puntland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.