Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray. Jaamacada cusub

Bosaso: 05 October 2024: Madaxweynaha
Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta dhexe ee Jaamacadda City Cot oo laga hirgeliyay magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dadaalka Waxbarasho ee ka socda Puntland oo ay Jaamacaddan qeyb ka tahay, wuxuu Madaxweynuhu kula dardaarmay Maamulka Jaamacadda in la illaaliyo tayada waxbarashada iyo horumarinteeda, isagoo sidoo kale Ardayda Jaamacadda ku booriyay in ay ka faa’ideystaan fursada waxbarasho.

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ku dhiirigeliyey horumarka ay sameenayaan Jaamacadaha Puntland, ayaa xusay in Ururka Jaamacadaha oo aysan qeyb ka aheyn Jaamacadaha qaar uusan suuragal aheyn sidaa darteed loo baahanyahay in laga wada qeybgeliyo dhammaan Jaamacadaha Puntland.

Munaasabadda waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Goleyaasha Dowladda , Duqa degmada Boosaaso Mudane Cabdifataax Shanle iyo Maamulka Jaamacadda City Cot ee magaalada Boosaaso.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading